ActEarlyASDFactSheetSOMALI.txt

Plain Text icon ActEarlyASDFactSheetSOMALI.txt — Plain Text, 4 KB (4495 bytes)

File contents

 

Jirada Maskax Faluuqqa 

WARQADDA MACLUUMAADKA 

Autism Spectrum Disorder Fact Sheet (Somali) 

 

 

Maxay tahay jirada maskax faluuqqa? 

Jirada maskax faluuqqa (ASD) waa 
naafanimo xagga maskaxda la xiriirta 
oo ay sababtay cillad maskaxda ka 
jirta. Saynisyahannadu wali si sax ah 
uma ogaan waxa sababa ciladahan ay 
leeyihiin inta badan dadka qaba ASD. 
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid 
ah dadka qaba ASD ayaa waxay 
leeyihiin cilado la yaqaano, sida 
xaalad la xiriirta dhaxal taranka ah. 
Waxaa jira waxyaabo badan oo sababa 
ASD, inkastoo aan badankood wali la 
ogaan. 

 

Badanaa ma jiraan wax ku saabsan sida 
ay u muuqdaan dadka qaba ASD taasoo 
dadka kale ka soocaysa, laakin waxay 
xiriir u samayn karaan, u dhexgali 
karaan, u dhaqmi karaan, oo wax u 
baran karaan si ka duwan sida dadka 
kale. Awoodaha fahanka, fakaridda, iyo 
xalinta dhibaatada ee dadka qaba ASD 
waxay u kala dunwantahay kuwo iska 
yara roon iyo kuwo aad u daran. 

Qaar ka mid ah dadka qaba ASD 
waxay u baahanyihiin in caawin badan 
laga siiyo nolashooda maalinlaha ah; 
qaar kalana waxyar bay u baahanyihiin. 

 

Baadhista ASD hadda waxaa kujira 
xaalado badan oo si kala gaar gaar ah 
loo baadhi jiray: jirada madax 
faluuqqa, dhimanaanta koriinka 
maskaxda ee madax yarada (PDD-
NOS), iyo Xirxirnaanshaha iyo hadal 
la�aanta. Xaaladahan o dhan ayaa 
hadda la dhahaa Jirada maskax 
faluuqqa. 

 

Maxay yihiin qaar ka mid ah calaamadaha 
ASD? 

Dadka qaba ASD waxay inta badan 
dhibaato ka haysataa xirfadaha dhexgalka 
bulshada, dareenka iyo xirfadaha 
lahadalka dadka. Waxay ku soo celcelin 
karaan hal habdhaqan waxaana la arkaa 
inaysan rabin inay badalaan howl 
maalmeedkooda. Dad badan oo ka mid ah 
dadka qaba ASD sidoo kale waxay leeihiin 
qaabab kala duwan oo ay wax u bartaan, 
dareenkooda usoo jeediyaan, ama ay uga 
jawaab celiyaan waxyaaabaha dhacaya. 
Calaaamadaha ASD waxay bilowdaan inta 
lagu jiro caruurnimada hore waxayna jiri 
karaan inta uu qofku noolyahay oo dhan. 

 

Caruurta iyo dadka waaweyn ee qaba ASD: 

. ma tilmaami karaan walxaha si ay u 
muujiyaan xiiise 
. (tusaale ahaan ma tilmaami karaan 
diyaarad kormaraysa) 
. ma fiiriyaan walxaha uu qof kale u 
tilmaamo 
. waxay dhibaato ka haysataa la xiriirka 
dadka kale ama xiisoo dhanba uma 
hayaan dadka kale 
. dadka toos uma fiiriyaan waxayna 
rabaan inay kaligood noqdaann 
. waxay u muuqdaan inaysan war u 
hayn marka uu dadku lahadlayo. 
Laakiin ay u jawaabaan shanqaraha 
kale. 
. waxaa laga yaabaa inay dadka 
xiisaynayaan laakiin aysan garanayn 
sida loola hadlo, loola ciyaaro, ama 
loola xiriiro. 
. waxay ka daba hadlaan jabaqda ama 
ku celiyaan hadalka iyaga lagu 
dhaho, ama waxay ku celiyaan 
erayada ama odhaahyada meeshii ay 
ku hadli lahaayeen luuqad caadi ah 
. waxay dhibaato ka haystaa sheegidda 
baahiyahooda iyagoo isticmaalaya 
erayo ama dareenno 
. ma ciyaaraan �iska dhigid� gaymamka 
. (tusaale ahaa, iskama dhigaan sidii 



 

 

 

 

inay �quudinayaan� boonbale) 
. falalka ayay kusoo celceliyaan 
inbadan 
. dhib baa ka qabsada la qabsashada 
waxyaalaha joogtada ah ee is 
badala 
. waxay ka bixiyaan jawaab celin aan 
caadi ahayn siyaabaha ay 
waxyaabuhu u uraan, u en) 


 

Maxaan samayn karaa haddii aan u 
maleeyo in ilmahaygu uu qabo ASD? 

Lahadal dhakhtarka ama kalkaalisada 
ilmahaga. Hadii adiga ama 
dhakhtarkaagu aad u malaysaan inay 
jiri karto dhibaato, waydiiso in laguu 
diro dhakhtarka cudurada maskaxda 
ama takhakhusle kale. 

Isla markaasna, waxaad la xiriirtaa 
ajansigaaga xaalaaha dagdagga kuu 
qaabilsan (ee caruurta ka yaryar 3), 
xitaa haddii ilmahaagu uusan 
iskuulkaas dhigan. Si aad u hesho qof 
aad kala hadasho goobtaada, la xiriir 
Xarunta Warbixinta Qaranka ee 
Caruurta iyo Dhalinyarada Naafada 
ah adoo galaya www.nichcy.org. 
Waxaa sii dheer Xarumaha 
Koontaroolidda iyo Kahortagga 
Cudurka waxay linkiyo ku leeyihiin 
websaydkooda Jirada Maskax Faluuqqa 
kuwaasoo laga heli karo warbixinta 
qoysaska 
(http://www.cdc.gov/ncbddd/autism/links.html). 

 

Ha sugin. In xilli hore tilaabo la qaado 
ayaa waxay samayn kartaa isbadal dhab ah! 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

www.cdc.gov/actearly | 1-800-CDC-INFO 

 

 

 

Baro Calaamadaha.Horey u Howl Gal..