Jirada Maskax Faluuqqa WARQADDA MACLUUMAADKA Autism Spectrum Disorder Fact Sheet (Somali) Maxay tahay jirada maskax faluuqqa? Jirada maskax faluuqqa (ASD) waa naafanimo xagga maskaxda la xiriirta oo ay sababtay cillad maskaxda ka jirta. Saynisyahannadu wali si sax ah uma ogaan waxa sababa ciladahan ay leeyihiin inta badan dadka qaba ASD. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka qaba ASD ayaa waxay leeyihiin cilado la yaqaano, sida xaalad la xiriirta dhaxal taranka ah. Waxaa jira waxyaabo badan oo sababa ASD, inkastoo aan badankood wali la ogaan. Badanaa ma jiraan wax ku saabsan sida ay u muuqdaan dadka qaba ASD taasoo dadka kale ka soocaysa, laakin waxay xiriir u samayn karaan, u dhexgali karaan, u dhaqmi karaan, oo wax u baran karaan si ka duwan sida dadka kale. Awoodaha fahanka, fakaridda, iyo xalinta dhibaatada ee dadka qaba ASD waxay u kala dunwantahay kuwo iska yara roon iyo kuwo aad u daran. Qaar ka mid ah dadka qaba ASD waxay u baahanyihiin in caawin badan laga siiyo nolashooda maalinlaha ah; qaar kalana waxyar bay u baahanyihiin. Baadhista ASD hadda waxaa kujira xaalado badan oo si kala gaar gaar ah loo baadhi jiray: jirada madax faluuqqa, dhimanaanta koriinka maskaxda ee madax yarada (PDD- NOS), iyo Xirxirnaanshaha iyo hadal la’aanta. Xaaladahan o dhan ayaa hadda la dhahaa Jirada maskax faluuqqa. Maxay yihiin qaar ka mid ah calaamadaha ASD? Dadka qaba ASD waxay inta badan dhibaato ka haysataa xirfadaha dhexgalka bulshada, dareenka iyo xirfadaha lahadalka dadka. Waxay ku soo celcelin karaan hal habdhaqan waxaana la arkaa inaysan rabin inay badalaan howl maalmeedkooda. Dad badan oo ka mid ah dadka qaba ASD sidoo kale waxay leeihiin qaabab kala duwan oo ay wax u bartaan, dareenkooda usoo jeediyaan, ama ay uga jawaab celiyaan waxyaaabaha dhacaya. Calaaamadaha ASD waxay bilowdaan inta lagu jiro caruurnimada hore waxayna jiri karaan inta uu qofku noolyahay oo dhan. Caruurta iyo dadka waaweyn ee qaba ASD: . ma tilmaami karaan walxaha si ay u muujiyaan xiiise . (tusaale ahaan ma tilmaami karaan diyaarad kormaraysa) . ma fiiriyaan walxaha uu qof kale u tilmaamo . waxay dhibaato ka haysataa la xiriirka dadka kale ama xiisoo dhanba uma hayaan dadka kale . dadka toos uma fiiriyaan waxayna rabaan inay kaligood noqdaann . waxay u muuqdaan inaysan war u hayn marka uu dadku lahadlayo. Laakiin ay u jawaabaan shanqaraha kale. . waxaa laga yaabaa inay dadka xiisaynayaan laakiin aysan garanayn sida loola hadlo, loola ciyaaro, ama loola xiriiro. . waxay ka daba hadlaan jabaqda ama ku celiyaan hadalka iyaga lagu dhaho, ama waxay ku celiyaan erayada ama odhaahyada meeshii ay ku hadli lahaayeen luuqad caadi ah . waxay dhibaato ka haystaa sheegidda baahiyahooda iyagoo isticmaalaya erayo ama dareenno . ma ciyaaraan “iska dhigid” gaymamka . (tusaale ahaa, iskama dhigaan sidii inay “quudinayaan” boonbale) . falalka ayay kusoo celceliyaan inbadan . dhib baa ka qabsada la qabsashada waxyaalaha joogtada ah ee is badala . waxay ka bixiyaan jawaab celin aan caadi ahayn siyaabaha ay waxyaabuhu u uraan, u en) Maxaan samayn karaa haddii aan u maleeyo in ilmahaygu uu qabo ASD? Lahadal dhakhtarka ama kalkaalisada ilmahaga. Hadii adiga ama dhakhtarkaagu aad u malaysaan inay jiri karto dhibaato, waydiiso in laguu diro dhakhtarka cudurada maskaxda ama takhakhusle kale. Isla markaasna, waxaad la xiriirtaa ajansigaaga xaalaaha dagdagga kuu qaabilsan (ee caruurta ka yaryar 3), xitaa haddii ilmahaagu uusan iskuulkaas dhigan. Si aad u hesho qof aad kala hadasho goobtaada, la xiriir Xarunta Warbixinta Qaranka ee Caruurta iyo Dhalinyarada Naafada ah adoo galaya www.nichcy.org. Waxaa sii dheer Xarumaha Koontaroolidda iyo Kahortagga Cudurka waxay linkiyo ku leeyihiin websaydkooda Jirada Maskax Faluuqqa kuwaasoo laga heli karo warbixinta qoysaska (http://www.cdc.gov/ncbddd/autism/links.html). Ha sugin. In xilli hore tilaabo la qaado ayaa waxay samayn kartaa isbadal dhab ah! www.cdc.gov/actearly | 1-800-CDC-INFO Baro Calaamadaha.Horey u Howl Gal..